Galmudug oo dacwo ka gudbisay Puntland

Image

Axad, September 21, 2014 [GO]- Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid oo la hadlayay BBC ayaa sheegay inuu warqad dacwo ka gudbiyey Puntland taasoo ku aadan hor istaag lagu sameeyay garoon diyaaraded oo Gaalkacyo ku yaala.

Qaybdiid ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas balse aysan ilaa iyo hada war cad ka helin wuxuuna tilmaamay inay go'aan ka qaadan doonaan haddii ay qoraalka kasoo jawaabi waayaan madaxda Villa Somalia.

Eedaynta Cawaale ayaa salka ku haysa garoon diyaaradeed oo dhowaan laga furay koonfurta Gaalkacayo kaasoo uu sheegay inay Puntland hor istaagtay diyaaradihii kasoo degi lahaa.

Qaybdiid iyo Gaas ayaa horay warbaahinta isu mariyay hadalo kul kul oo salka ku hayey dhismaha maamulka la shaaciyey in loo dhisi doono gobolada dhexa ee ka koobanaan doona Galguduud iyo Mudug, arintaasoo Puntland ay aad uga biyo diiday.

Bishii afaraad ee sanadkan magaalada Gaalkacyo waxaa ku shiray Madaxwaynaya Puntland iyo kan Galmudug waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka labada dhan loo xoojin lahaa loogana wada shaqayn lahaa kobaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxtooyada Puntland wali kama jawaabin eedaymaha uga yimid dhanka Galmudug, wuxuuna hadalka Qaybdiid kusoo aadayaa xili uu dhamaaday waqtigii horay Puntland ugu qabatay wadahadal ay la furayso Dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM