Dowladda oo Puntland u gacan-gelisay shaqsi dil ka geystay Qardho

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay shaqsi ku eedeysan dil 20-ka bishii July ee sanadkan 2019 ka dhacay Qardho, xarunta gobolka Karkaar.

Falkaasi khaarijinta ah oo loo haysto Maxamed Cabdullaahi, kaasoo u baxsaday dhinaca wadanka Yemen ayaa waxaa lagu naf-gooyay Dirir Cabdi Gufure oo kamid ahaa ganacsatada magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Booliska gobolka iyo Puntland oo tan iyo xiligaasi ku raad-joogey ninkan ayaa laamaha amniga federaalka iyo maamuladda ka codsaday in ay u soo gacan-geliyaan hadii ay qabtan ruuxan.

Eedeysanaha ayaa habeenimadii Jimcaha waxaa laga soo dejiyay marsadda Boosaaso, isaga oo kamid ahaa tobanaan qaxooti Soomaali ah oo ay xukuumada federaalka dalka kusoo celisay.

Ma cadda qaabka loosoo qabtay ruuxan, wallow warar soo baxaya ay sheegayaan in xubno kamid ah qoyskiisa iyo safaaradda Soomaaliya ee wadankaasi colaaduhu la dageen ay ka wada shaqeeyeen.

Cabdullaahi Xaashi Shuuriye, dajiraha Soomaaliya u fadhiya Yemen, oo la socday doonta "gacan ku dhiiglaha" keentay ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Mas'uuliyiinta oo ka mahadnaqday talaabadaasi ayaa ku tilmaamay mid digniin u ah qof kasta oo dil ka geystay Puntland iyo guud ahaan dalka kaasoo isku daya in uu ka baxsado.

"Talaabadan waa mid taariikhi ah, hadii Soomaaliya qof kasta oo dil geysta sidan loosoo qaban lahaa mar horey nabad noqon lahayd," ayuu yiri mid kamid ah madaxda goobta ka hadashay.

Maxamed Cabdullaahi oo markii lasoo dejiyay la jeebeeyay, lana dhigay xabsiga ayaa waxaa lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago, lana marsiiyo hanaanka garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM