Dowladda Puntland oo beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay waxbo kama jiraan ku tilmaamtay warar lagu baahiyey bogag lagu sameeyay magaca Madaxtooyada oo been abuur ah.

Wararkaasi oo waxba kama jiraan ah ayaa waxay sheegayaa in la bedalay taliyaha Booliska Puntland lana magacaabey mid cusub.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland, ayaa bulshadda ku waaniyey in ay ku kadsoomin ciwaanada baraha bulshada ee magacyadda beenta ah ku qoran.

"Wargelin: Ciwaanka Facebook ee aan halkan ku muujiyey waa mid been abuur ah, sidaasi darteed waxba kama jiraan qoraalka uu daabacayo. Waxii faafin xog ah Madaxtooyadu waxay rasmi ugu daabacdaa, Page-keeda [Puntland State House]," ayuu Jaamac Dabraani soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Taliyaha Booliska dowladda Puntland waxaa haatan ah Jenaraal Muxyadiin Axmed Aw Muuse, kaasi oo xafiiska jooga tan 28-kii October sanadkii 2018-kii.

Booliska oo kamid ah hay’addaha amniga ee ugu faca maamulkan dhidhibada u taagan in ka badan 20-sano waxaa soo maray taliyeyaal waajibaadkooda hadba meel soo gaarsiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM