Dowladda Puntland oo beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay waxbo kama jiraan ku tilmaamtay warar lagu baahiyey bogag lagu sameeyay magaca Madaxtooyada oo been abuur ah.

Wararkaasi oo waxba kama jiraan ah ayaa waxay sheegayaa in la bedalay taliyaha Booliska Puntland lana magacaabey mid cusub.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland, ayaa bulshadda ku waaniyey in ay ku kadsoomin ciwaanada baraha bulshada ee magacyadda beenta ah ku qoran.

"Wargelin: Ciwaanka Facebook ee aan halkan ku muujiyey waa mid been abuur ah, sidaasi darteed waxba kama jiraan qoraalka uu daabacayo. Waxii faafin xog ah Madaxtooyadu waxay rasmi ugu daabacdaa, Page-keeda [Puntland State House]," ayuu Jaamac Dabraani soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Taliyaha Booliska dowladda Puntland waxaa haatan ah Jenaraal Muxyadiin Axmed Aw Muuse, kaasi oo xafiiska jooga tan 28-kii October sanadkii 2018-kii.

Booliska oo kamid ah hay’addaha amniga ee ugu faca maamulkan dhidhibada u taagan in ka badan 20-sano waxaa soo maray taliyeyaal waajibaadkooda hadba meel soo gaarsiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM