Dowladda Puntland oo digniin kasoo saartay maalgeshiga Forex

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxay digniin cod dheer ah kasoo saartey adeegsiga barnaamijka sarifka lacagaha online-ka ah ee Forex.

Mashruucaan oo ah in dadku maalgeshi ku sameystaan shirkado isla markaana loo sheegayo in ay  heli doonan macaash badan ayaa aad ugu baahay Soomaaliya.

Agaasimaha Bangiga dhexe ee Puntland ayaa muwaadiniinta ku waaniyey in aysan lacagahooda ku darsan "shirkadaha aanan la hubin".

Maxamed Faarax Maxamuud ayaa muujiyey in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqaha shirkadaha Forex ee ka howlgala guud ahaan degaanadda kala duwan ee Puntland.

"Shiraduhu waxay leeyihiin haddaad $500 nagu darsato, waxaanu kaa qaadayna 150$ oo adeeg ah, bil kastana waxaanu ku siinaynaa $220, lacagtaadii lafaha ahaydna waa kuu oolaysaa, muddo kadibna waxaa dhici karta in shirkadaahi yiraahdaan waa khasaarnay, lacagihii aanu ururinayna waa la waayay," ayuu u sheegay Puntland Tv.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tibaaxay in "daraasad" ku wadaan Forex, isla markaana ay natiijadda soo bandhigi doonan.

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: "Wixii la hubiyey ee dowladdu hubisay oo shati haysta oo Bangiga xaqiijiyey oo si nidaam ah oo dadka dhaceynin u shaqeysanaya shirkadaha kale ee waddanka ka shaqeysanayo ayay kamid yihiin, laakiin shirkadaha uu [ku tala galkoodu yahay] in ay dadka si dhib yar u dhacaan, waan uga digeynaa shacabka".

Digniinta ay Puntland kasoo saartay Forex ayaa imaaneysa iyaddoo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ay mar sii horeysay mamnuuceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM