Dowladda Puntland oo diidey go'aanadii Isimada ee xiisada Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland - Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu shegeey in Dowladda Puntland gabi ahaanba diidey go’aankii qayb kamid ah Isimada Puntland shalay galab ka soo saareen xiisada ka dhalatey Badalkii lagu sameeyey Agaasimihii hore ee hay’adda PSF.

War-saxaafadeedkan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda Puntland ayaa amrey in Agaasimihii hore xilka si degdeg ah ku wareejiyo Agaasimaha cusub.

Kadib kulan 10 maalmood socday, waxay Isimada gobolka Bari war kasoo saareen xaaladda Boosaaso, iyagoo go’aamiyay in ay dhaqan-gasho digreetadii Madaxweyne Deni uu xilka uga qaadey agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Waxay Isimada sheegeen in dowladda Puntland laga doonayo inay bixiso mushahaarka 13 bilood, oo ka maqan Ciidanka PSF, taasoo kamid ah shuruudaha agaasimhii hore uu xilka ugu wareejinayo midka cusub ee loo soo magacaabey hay’adda Maxamed Amiin.

Qoraalka Isimada oo ka kooban shan qodob ayaa waxaa ku jira qodobo ay kamid yihiin in Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Diyaano inuu isaga leeyahay guryaha, hubka iyo Gaadiidka haya’adda PSF ku shaqeynaysay.

Waxay dowladda Puntland ka dalbadeen inay bixiso mushahaarka Ciidanka ilaalada gaarka agaasimhii hore, sidoo kale ay hay’adda PSF ay u wareejiyo meel kale, maadaama xaruntii ay ku shaqeynaysay u xukmiyeen inuu leeyahay Maxamuud Cismaan Diyaano

PSF oo Mareykanka uu taageero ayaa mudo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM