Dowladda Puntland oo gurmad gaarsiisay Gobolka Gardafuu

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo kale ay bilow u tahay duulimaadyo todobaadkan gurmad gaarsiin doona dadka Gobolka Gardafuu.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM