Dowladda Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Axmed Xudeydi

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi] oo fayruska Corona uu ku dilay caasimadda Ingiriiska ee London.

Madaxtooyadda Puntland ayaa shaacisay in Deni uu murugada iyo tiiraanyadda uu la wadaagayo ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Xudeydi oo da'diisu ay ahayd 92-sano jir.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada


Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo ku geeriyoodey magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska, kadib caabuqa Covid-19 oo haleelay maalmo uun ka hor.

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) waxa uu dhashay sanadkii 1928-dii waxa uu noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobcinta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed, waxa uu lafdhabar u ahaa fanaaniinta da'yarta ah ee usoo kacday hiddaha iyo dhaqankeena. Waxa uu ahaa dhiirigeliye khibrad badan u leh suugaanta, isagoo muddo dheer kusoo dhexjirey fanka.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi), wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.


Alle ha u naxariistee, Xudeydi ayaa kamid ahaa fanaantii, abwaanada iyo mid kamid ah ragga ragaaca Cuudka ama Kabanka kuwooda loogu jecelyahay guud ahaan degaanadda Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM