Dowladda Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen lix kiis cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 90 ayaa saddex kamid ah waxay joogaan gobolka Karkaar, laba waa Nugaal, halka gobolka Bari laga diiwaan-geliyey hal xaaladood.

Laba kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, afarta kelana waa dumar, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee 11-ka May, 2020.

Ma jirto dhimasho iyo bogsasho dhacday afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay. Geerida waxay ku taagan tahay afar, halka tiradda guud ee dadka ka caafimaadey ay wali tahay hal.

Dhanka kale, wasiirka ganacsiga Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo kamid ah mas'uuliyiin uu soo ritay caabuqa, ayaa ku booriyey dadweynaha in ay baaqi ku ahaadan guriyahooda.

Isagoo khadka telefoonka ugu waramay Radio Garowe, Xirsi ayaa ku waaniyey dadka uu ku dhacay fayruska in ay aad u isticmaalaan cunooyinka nafaqada lah ee waddanka laga helo.

Ugu dambeyntii, caafimaadkiisa ayuu sheegay in haatan uu yahay mid aad u wanaagsan, wuxuuna soo kabasho deg-deg ah uu u rajeeyay bukaanada kale oo uu kula dardaarmay xoojinta taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM