Dowladda Puntland oo wacyi gelin nabadeed ka wadda Karkaar

Image

March 31, 2015 (GO)- Dawlada Puntland ayaa  deegaano ka tirsan gobolka Karkaar oo maalmo kahor labo beelood heshiis ku gaareen waxay ka waddaa wacyi galin ku saabsan nabadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay inay tageen deegaano dhowr ah ayna shacabka ku wacyi galiyeen muhiimada nabadu leedahay.

Wasiirka ayaa sido kale sheegay inay guul ka filayaan guud ahaan hishiiska la kala dhex dhigay beelaha islamarkaana rajo weyn ka qabaan in colaadaasi halkaas kusoo afjaranto.

Shalay ayay ahayd markii go'aamada laga soo saaray shirkii nabadaynta beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ee ku dagaalamay deegaano hoos taga degmada Rako ee gobolka Kar-kaar,waxaana dib loogu balamay magaha gudiga nabadayntu soo jeediyeen in la kala qaato muddo 45 casho ka dib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM