​Dowladda Somalia oo ka hadashay kufsi ka dhacay Galdogob

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia ee waqtigeedu dhammaaday ayaa looga hadlay kiis Kufsi oo saddex todobaad kahor ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Wasaaradda haweenka dowladda Somalia, ayaa qoraalkaasi ku cambaaraysay dhammaan Kufsiyada ka dhacay dalka oo idil gaar ahaan kiiskan, waxayna maamulka Puntland ka dalbatay in sharciga la horkeeno dhalinyaradii howshaasi ku kacday.

Waxay ALLE uga baryeen inuu siiyo caafimaad taam ah islamarkaana u booga dhayo gabadha .

Arrintan ayaa timid kadib markii lix kamid ah dhalinyarad degmadaas kufsi u gaysteen gabar yar oo kamid ahayd dadka deegaanka, waxaana wiilashada tallaabadaasi sameeyay da'doodu u dhaxaysay 13-16 sano.

Booliiska Galdogob, ayaa gacanta ku haya badi dhalinyaradaas oo qaybtood lagasoo qabtay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Ethoipia, halka kuwo kale lagu raad joogo.

Dhacadadan, ayaa ilaa shalay aad looga hadal hayay baraha bulshada, waxaa lagu baahiyay muuqaalo iyo sawirro ku aadan kiiskaas iyo sida uu u dhacay.

Maamulka Galdogob, ayaa falkaasi cambaareeyay, waxayna sheegeen inay sharciga horgayn doonaan cid kasta oo ku had-gudubta dumarka.

Qaar kamid ah ehelka gabadhaas oo aan xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in caafimaadka gabadhoodu soo hagaagayo inkastoo loo gaystay dhaawacyo kala duwan.

Wasaaradda haweenka Puntland, ayaa sidoo kale kiiskaas cambaaraysay iyadoo sheegtay inay cadaaladda la marsiin doono qof kasta oo ku kacay kiis Kufsi ah.

Wuxuu kusoo aaday xilli dowladda Puntland meel marisay xeerka kufsiga oo la sheegay in lagu qaadi doono qof kasta oo ku xad-gudba dumarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM