Puntland oo ka tashanaysa dib u habaynta shaqaalaha rayidka

Image
Image
Image
Image

Arbaco, Sep 24, 2014 (GO)- Kulan looga tashanayo dib u habayn lagu samayn doono shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland ayaa maanta ku qabsoomay xarunta Hay'adda PDRC ee magalada Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay, wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha , Agaasimaha Shaqalaha Rayidka ah iyo agaasimayaasha guud ee wasaradaha ayaa kasoo qayb galay shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Agaasimaha Hay'adda shaqalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid ayaa sheegay in nuxurka shirku uu yahay sidii looga wada tashan lahaa dib u habayn lagu sameeyo  shaqaalaha rayidka ah si loo tayeeyo shaqooyinka dowladda.

Agaasimeyaasha guud ee kasoo qayb galay ayaa ka doodi doona sida ugu wanaagsan ee howlaha shaqaalaha rayidka ah lagu hagaajin karo iyo dajinta siyaasadda shaqaalaha si wax looga qabto dib u dhaca ka muuqda shaqooyinka dowladda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camay ayaa kula dardaarmay agaasimayaasha kasoo qayb galay kulanka inay si wanaagsan uga doodaan mustaqbalka shaqaalaha rayidka ah, isagoo xusay in dowladdu dib u habayn ku samaynayso hay'adaha cadaaladda, dhaqaalaha iyo ciidanka.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in kulankani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Puntland ayna ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka ka jira dhanka shaqaalaha rayidka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM