Dr. Cabdiraxmaan Farole oo la hadlay BBC [DHEGEYSO]

Image

July 28, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud "Farole" oo la hadlayey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ka mahadceliyey qaabkii diirranaa ee dadweynaha iyo Dowladda Somaliland usoo dhoweeyeen.

Dr Farole ayaa xusay in ujeedada uu Hargeysa u  tegey ahayn mid siyaasadeed balse uu booqanayey qaar kamid ah qaraabadiisa, maadama AHN marwadiisii hore ee Aamina Abiib kasoo jeeddey magaalada Hargeysa.

"Imaanshahayga Xukuumadda ayaa ogolaatay oo la soo ogaysiiyay si fiican ayaana laygu soo dhaweeyay Hargaysa madaxdhaqameed iyo Xukuumaddaba” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey inuu weli hammi ka leeyahay siyaasadda Puntland, wuxuu sheegay in uu ka fariistay siyaasadda Puntland laakiin xilligaan uu wax ka qoro faaleeyana arrimmaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mas’uul ka tahay khilaafka dhanka xuduudka ee ka taagan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa maalinta berri ah kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM