Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga

Image

Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, oo kamid ahaa dhaqaatiirta ugu caansan dalka Somalia, ayaa xalay ku geeeriyooday wadanka Talyaaniga, halkaasi oo mudo uu ku xanuunsanayay.

Allah ha u naxariistee Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, wuxuu ahaa dhaqtar weyn, oo ku takhasusey daaweynta iyo Qaliimada xanuunada ku dhaca Neerfaha, isagoo ka howlgali jiray deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, oo uu ku lahaa xarun caafimaad. 

Sahro Jaamaca Salaad oo la dhalatay Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, islamarkaana mudo kula jirtay Isbitaalka, ayaa xaqiijisay geeridiisa, iyadoo sheegtay inuu u dhintay xanuunka Kansar, oo uga dhacay Beerka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM