Dr.Gaas oo mashruucyo horay u socday dhagax dhigay

Image

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta oo khamiis ah 31.July.2014 waxa uu dhagax dhigay mashruucyo lagu dhisayo wadooyin hor leh oo ku yaala xaafadaha Wadajir iyo Waabari iyo waliba Wadada Meeraysana ee gasha jidka sodanka.

Dr.Gaas ayaa ugu horayntii dhagax dhigay wado laami noqonaysa oo mari doonta xaafadaha Wadajir iyo Waabar iyadoona madaxda mamulka dowladda hoose ee magalada Gatowe ay sheegeen wadadan inay mar ahaan jirtay tan kaliya ee la isticmaali jiray.

Sidoo kale madaxwayne Gaas ayaa soo dhagax dhigay wadada isku xiri doonto Meeraysanea iyo Jidka Sodanka kuwaasoo horay dowladdii Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole u qorshaysay inay dhisto balse xili doorasho la galay.

Sidoo kale Jidka Sodanka oo ay dhaqaalaha ku baxaya dhismaheedu bixinaysao Hay'adda DAI ayuu madaxwayne Gaas oo dhagax dhigay wuxuna furay Aargo cusub oo ay dowladda hoose horteeda laga dhisay taasoo ka qayb qaadanaysa bilicda magalo madaxda Puntland.

Meelaha kale uu madaxwayne Gaas soo furay waxaa ka mid ahaa tarabuun loogu talo galay in maalinta barito ah laga jeediyo khudbadaha Kowda Agoosto waxana maalgalisay Shirkadda isgaarsiinta Golis Puntland.

Isaga iyo masuuliyiin u hoggaaminayo Cabdiwali Cali Gaas ayaa saakay aaday Buundada Midigar taasoo uu soo furay isla markasna ay dhismaheeda uu heer gabo-gabo uu marayo.

Dhamaan wadooyinkan uu Gaas saako dhagax dhigay ayaa waxaa inay hirgasho suurta galisay dowladdii hore ee uu madaxda ka ahaa Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM