​Duub-dhaqameed ka horyimid heshiis dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LAASCAANO, Somalia- Dubabka dhaqanka beelaha dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka horyimid wadahadalka iyo hishiiska dhexmaray maamullada Khaatumo iyo Somaliland.

Madax-dhaqameedkan oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socdey tuulo lagu magacaabo Cadcadka (Higlada) oo 40KM Bari ka xigta magaalada Laas-caano ayaa waxa ka qaygalay 8 madax dhaqameed iyo wakiilo Matalayay beelaha halkaasi daga.

Afar qodob oo kasoo baxay kulamadaas, ayaa Odoyaashu ku sheegeen inaan lagala tashay arrimaha dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland, waxayna is ku raaceen inaysan khusayn waxyaabaha soo baxay ee ku aadan  deegaanadaas.

Wax-garadka ayaa sidoo kale sheegay in masiirka gobolladaasi aysan ka go'in koox gooni ah, balse ay kawada dhaxayso bulshada halkaasi dagta oo dhan.

Shirkan Odoyaasha dhaqanka ayaa yimid markii xubno katirsan maamulka Khaatumo iyo Somaliland hishiis dhexmaray, kaasoo ku aadan masiirka saddexdaas gobol, waxaana todobaadkii hore mar uu hadlay Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inay meel uga soo wada jeedsan doonaan gacanta saddexaad ee arrimahooda soo gasha.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalka odey dhaqameedkaan ayaa imaanaya xilli gobolka Sool booqashada ku marayaan wafti ka socda maamulka Somaliland kuwasoo kulamo last qaatey odayaal iyo waxgarad kale oo ku sugan magaalooyinka Laascaano iyo Taleex.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM