Taliyaha Booliska Nugaal oo u hanjabey weriye ka tirsan Radio Garowe

Image

December 7, 2014 (GO)- Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) ayaa maanta ugu hanjabay inuu xabsiga u taxaabi doono weriye Cali Cabdi Ducale oo ka tirsan Radio Garowe.

Hanjaabadan ayaa timi ka dib markii uu wariyahu baahiyay war ku saabsan wadayaasha gaadiidka oo cabasho ka muujiyay lacago ay sheegeen inaysan xamili karin oo dowladda Gaas khasab kaga dhigtay inay bixiyaan.

WERIYE CALI  DUCAALETaliye Layli wuxuu sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah islamarkaana ay horay u mamnuuceen baahintiisa, isla markaasna ay sharci daro tahay in la tebiyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Cabdi Ducale oo ka warbixiyey qaabka wax u dheceen ayaa sheegay in taliyaha iyo ciidan uu wataa gudaha xarunta idaacadda soo galeen, islamarkaana ula dhaqmeen qaab aan munaasib ahayn.

'"run ahaantii taliyaha iyo ciidan uu wato ayaa idaacadda soo galay duhurkii maanta waqtigaasi diyaarinta wararka ayaa lagu jiray haseyeeshee wuxu ii sheegay inaan ku kacay fal lid ku ah amniga oo aan baahiyay war uu horay u diiday, waxan u sheegay inaan xaq u lee yahay tabashooyinka dadka inaan soo bandhigo, si caro ah ayuu ciidankiisa ugu amray inay gaarigiisa igu ridaan waliba qaybta danbe mana ahan mid sharci ah'' Cali Ducale ayaa sidaasi u sheegay Garowe Online.

Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac oo howlo shaqo u jooga degmada Eyl ayaa ku tilmaamay falka uu ku kacay Taliye Layli inay tahay mid sharciga saxafadda iyo kan dowlada ka baxsan isla markasna uusan awood u lahayn inuu idaacadda gudaheeda ugu hanjabo wariye ka tirsan idaacadda.

Ma ahan markii ugu horaysay oo hanjabaadyo noocaan oo kale ay kasoo baxda masuuliyiin ka tirsan xukumadda Gaas, qaar ka mid ah baraha wararka Soomaalida lagu qoro ayaa la joojiyay in la daalacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM