Duqa Garowe oo looga digay olole siyaasadeed iyo la shaqeynta DF

Image

GAROWE, Puntland - Duqa degmada Garowe, ee caasimadda Puntland, Axmed Barre ayaa looga digay olole siyaasadeed oo la sheegay inuu kawado gobolka Nugaal, gaar ahaan Garowe.

War qoraal ah oo uu soo saarey maanta [22-ka December] gudoomiyaha gobolka Nugaal, C/salaan Xasan Xirsi [Gujir] ayaa lagu sheegay in duqa Garowe uu markii uu dhawaan tagey Xamar uu kusoo galay shirar siyaasadeed, aan dowladda Puntland la ogeyn.

Gujir ayaa sheegay in Axmed Barre markii uu Garowe kusoo laabtey uu billaabey wacyi-gelin siyaasadeed oo ku wajahan la shaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli Puntland ay kusoo wajahan tahay doorasho 8-da January ee 2019.

Gudoomiyaha Nugaal ayaa sidoo kale ku sheegay qoraalkiisa inuu helay xog ku saabsan in duqa degmada Garowe uu la shiray culimo, isagoo kula taliyay inay dowladda Federaalka ka taageeraan masaajidda xilligii Mooshinka Farmaajo laga keenay.

Eedeymaha loo jeediyay Axmed Barre waxaa kamid ah inuu la kulmay Xildhibaanno cusub oo gobolka Nugaal laga soo xulay, isagoo wada olole siyaasadeed, sidoo kalena uu abaabulay Shir Isimada kaasi oo uu kharash ku bixiyay, sida qoraalka lagu sheegay.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu talada Puntland hayey ayaa waxaa xasilooni daro siyaasdeed la soo gudboonaatey golayaasha degaanka.

HALKAN KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM