Duqa KMG ah ee Garowe oo ku milmay "dimuqraadiyada qofeysan"

Image
Cabdulqadir Maxamed Maxamuud (Geedi) ayaa cadaadis ku bilaabay gudoomiyeyaasha xaafadaha caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Duqa KMG ee Garowe ayaa cadaadinaya gudoomiyayaasha xaafadaha ururka KAAH ee uu leeyahay madaxweynaha wakhtigiisu ay bilooyinka ka harsan yihiin ee Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.

Kulan dhawaan ka dhacay xarunta ururka KAAH ee Garowe kaasi oo ay ka qayb galeen guddiga soo xulista golaha deegaanka Garowe ee ururka KAAH iyo Gudoomiyayaasha dhamaan xaafadaha Garowe ayaa looga hadlay sida ay ula shaqaynayaan gudoomiyayaashu ururka KAAH.

Masuul kulanka ka qayb galay oo diiday in aan magacawno ayaa u sheegay Garowe Online: "Gudoomiyayaasha qaybtood oo illaa saddex gudoomiye gaaraya ayaa ka cudur daartay in ay noqdaan shaqaale ololaha uga shaqeeya iyaga oo afka ku balaariyay in ay ergo soo dooratay".

Intaas kadib duqa ku-meel-gaarka ah ee Garowe, Cabdulqadir Maxamed Maxamuud "Geedi" ayaa shaqada ka joojiyay gudoomiyaha xaafadda Hantiwadaag ee Garowe, Bashiir Maxamed Maxamuud, isaga oo gudoomiyuhu doonaya in uu xilkaas Bashiir ku wareejiyo ku xigeenkiisa oo ah xubin kamid ah ururka KAAH.

Dhaqankaan ayaa ah mid muujinaya sida madaxweyne Deni iyo ururkiisu ay ugu sifoobeen walaac ay doorashada ka muujiyeen ururada siyaasadda Puntland oo iyagu barnaamijkaan shaki ka muujiyay.

Illo xog ogaal ah oo ka tirsan degmada Garowe ayaa yiri: "Waxaan u malaynayaa duqa degmadu in uu doonayo in uu xilka ka qaado gudoomiyayaasha ilaa sadex xaafadood oo magaalada kamid ah waana arki doonaa maalmaha soo socda".

Geedi ayaa doonaya in uu isu sharaxo duqa Garowe iyada oo uu riixayo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo uu horey ugu ahaa Agaasimaha maamulka Maaliyada xafiiskiisa oo uusan tagin asbuucyadii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM