​Duqayn ka dhacday degmada Qandal [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaafiic dhowr ah ayaa barqankii maanta lagu garaacay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku suganyihiin mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin ururka Daacish.

Warar kala duwan, ayaa duqayntaas kasoo baxaysa, maadama halkaas ku suganyihiin ciidamo katirsan Puntland, maraakiib Ajnabi ah iyo diyaarado dul heehaabaya nawaxiga degmadaas.

Gudoomiyihii hore degmada Qandala Siciid Waaberi Maxamed ayaa Radio Garowe u sheegay in duqayntaas ay gaysteen ciidamada Puntland ee ku sugan badda.

Wuxuu xusay inuusan faah faahin ka bixin karin khasaaraha ka dhashay isagoo ku sifeeyay inay u malaynayaan digniin loo dirayo mallayshiyada.

Waabari, ayaa hadalkiisa sii raaciyay in degmada Qandal maanta isaga baxeen 9 qof oo ka harsanaa dadkii degmada daganaa, sidaas darteed aysan u malaynayn inuu jiro dhibaato weyn.

Wuxuu ka gaabsaday mas'uulkan oo hadda ah xisaabiye katirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland duqayntaas isagoo xusay inay tahay xaalad military.

Dhinaca kale, warar madax banaan ayaa sheegaya  in duqayntaas ay gaysteen Maraakiib Ajnabi ah oo badda ku sugan.

Majirto wax war ah oo dhinaca saraakiisha ammaanka iyo xukuumadda Puntland kasoo baxay.

Magaalada Bosaso, xarunta gobolka Bari, waxaa gaaray qoysas kamid ah dadkii ku dhaqnaa Qandala, waxaana Guddoomiyaha gobolkaas Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo uu sheegay inay wadaan dadaal ku aadan sidii dib u dajin loogu samayn lahaa.

Qaar kamid ah qoysaskii gaaray tuulooyinka u dhow qandala, ayaa iminka xaaladooda lagasoo dayrinayaa, waxaana la sheegay inaysan helin gurmad, maadama ay kasoo carareen hantidoodii.

Todobaadkii hore, ayay ahayd markii rag lagu qiyaasay 50 ruux oo sheegtay inay katirsanyihiin Daacish, ay gaareen degmada Qandala ee gobolka Bari, waxayna muddoo kooban gacanta ku hayeen magaalada iyagoo markii dambe isaga baxay, balse aan ka fogaan deegaanada ku xeeran Qandala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM