Duqii Buuhoodle oo is casiley eedayna u jeediyey Dowladda PL

Image

May 4, 2015 (GO)- Guddoomiyihii degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn Yuusuf Maxamed Xasan (Abgaal) ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Yuusuf Abgaal oo shir-jraa'id qabtey ayaa is casilaaddiisa ku sababeeyey kadib markii Puntland ku fashilantey inay ka dhabeyso ballan qaadyadii ay horay ugu sameysey  bulshada gobolka Cayn.

Qodobada uu sida gaarka ah farta ugu fiiqey ayaa waxaa kamid ah mashaariicda horumarinta oo haba yaraatee aan waxba laga soo gaarsiin Buuhoodle iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ka caga jiideyso dhismaha golaha deegaanka Buuhoodle.

Shalay ayey ahayd markii uu is casiley ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub Maxamed Cabdallahi.

Yacquub ayaa sababta uu isu casiley ku sheegay inuu ku fashilmey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey markii la dhisey golaha deegaanka ee Galkacayo, sidaas darteedna uu go'aan ku gaarey inuu xilkan iska casilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM