Duqii hore ee Garowe oo ka hadlay xil ka qaadista [Dhegeyso]

Image

June 3, 2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa ka hadlay xil ka qaadistii uu maanta ku sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Koor oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadan maadaama xilku yahay meerto oo qofka mas'uulka ah xilligii la doono lasoo magacaabi karo xilligii la doonana laga qaadi karo xilka.

" xil ka qaadistu si sharci ah bay u dhacday Madaxweynuhuna xaq buu u leeyahay...mas'uuliyiinta dowladda cidduu doono ayuu beddeli karaa cidduu doonana waa keeni karaa" ayuu yiri.

Dhanka kale, duqii hore ee Garowe wuxuu sheegay in muddadii uu xilka hayey wax badani u qabsoomeen islamarkaana degmadu sameysey horumar ballaaran oo dhinacyo badan leh.

Duqa cusub ee Garowe waxaa loo soo magacaabay Axmed Siciid Geelle halka ku-xigeenka cusubna loo soo magacaabay Mustafe Siciid Faarax.

Todobaadkii hore, Madaxweyne Gaas wuxuu sidan oo kale xilka uga qaaday duqii Bosaso iyo ku-xigeenkiisa isagoo soo magacaabay maamul cusub oo kumeel gaar ah islamarkaana kala direy golaha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM