Duufaan ku wajahan qaybo ka mid ah dalka Somalia

Image

07 November, 2015(GO)-Duufaan hor leh oo lagu magacaabo MEGH ayaa la sadaaliyay inay ku dhufanayso qaybo ka mid ah Somalia gaar ahaan gobollada dhaca, dhinaca Waqooyi ee badweynta Hindia.

Hay’adda SWALIM oo qaabilsan maaraynta macluumaadka biyaha iyo barriga Somalia, ayaa warbixin ay soo saartay shalay ku sheegtay in 36 saac ee soo socota duufaantani ku dhufan doonto qaybo ka mid ah Puntland.

Asbuucii hore ayay ahayd markii duufaanta Chapala saamaysay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan gobolka Gardafuu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM