Duufaanta Chapala oo saamaysay deegaano dhaca xeebaha Puntland

Image

02 November, 2015(GO)-Roobab dabaylo wata ayaa la soo sheegayaa inay ka da'een degmooyin teedsan xeebaha Puntland ee gobolka Gardafuu.

Degmada Bareeda, Gumbax, Tooxin ayaa wararku sheegayaan inay ka da'een Roobab dabaylo wata kuwaasi oo sababay inay biyaha Badda soo galaan magalada,  waxayna bur-bur u gaysteen gaadiid badeed iyo guryo ku yaallay xeebta, halka ay barakaceen dadkii ku noolaa.

Jawi badalan iyo Roobab ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa degmooyinka Caluula iyo Bargaal.

Ma jirto khasaaro nafeed oo duufaantu sababtay, balse waxaa jira cabsi dadka deegaanku ka muujinayaan inay da'aan Roobab xoogleh.

Arrintan aya timi iyadoo la saadaaliyay inay ka da'aan qaar ka mid ah gobollada Puntland Roobab duufaan wata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM