Duulimaad toos ah oo isku xiraya Jabuuti-Garowe oo la daah-furay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa daah-furay duulimaadka tooska ah ee shirkadda diyaaradaha Jabuuti.

Duulimaadka ay diyaaradan ku tageyso Garowe ayaa noqonaya laba jeer todobaadkii, sidda ku xusan war-saxaafadeed uu warsidaha Garowe Online arkay.

Sidda ku xusan bayaanka, duulimaadka waa mid toos ah oo isku xiraya Jabuuti iyo Garowe, caasimadda dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Air Djibouti ayaa kamid noqoneyso diyaaradaha caalamiga ah ee ka faa'iideysanaya fursadaha ka jira degaanadda maamul goboleedkan.

Ethiopian Airlines, mid kamid ah shirkadda diyaaradaha ugu fiican Afrika, ayaa bishii June, 2019 duulimaadyo ka bilowday Puntland.

Wasaaradda Duulista Hawada oo shaacisay in shirkado kale oo caalami ah ay codsiyo u soo gudbiyeen ayaa xustay in ay qayb ka qaadaneyso kobaca dhaqalaaha.

Puntland ayaa haatan wadda qorshe lagu horumarinayo garoomadaha diyaaradaha, iyaddoo dhowaan la saxiixay heshiis lagu balaarinayo madaarka Garowe.

Sikastaba ha ahaatee, Air Djibouti iyo Ethiopian Airlines ayaa waxay safka hore kaga jiraan shirkaddaha caalamiga ah ee ku loolamaya suuqa furan ee waddanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM