Edeegyo caafimaad oo laga fuliyay gobollada Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Adeegyo caafimaad oo daweyn iyo baaritaan isugu jira, ayaa wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxay ka fulisay deegaano kala duwan oo katirsan Sagaalka gobol ee Puntland, halkaasoo ay ku nool yihiin dadka Abaartu dhaafisay hantidooda.

Kooxo caafimaad oo guur-guuraya (Mobile teams), ayaa wasaaraddu u dirtay gobolka Walba, kuwaasoo maraya, tuulooyinka iyo miyiga ay ku suganyihiin dadka dhibaatadu kasoo gaartay abaarta.

Booqasho ay ku tageen koox wariyaal ah, waxay dadku sheegeen in lasoo gaarsiiyay adeegyo caafimaad oo ay u qabteen baahi xoog leh.

Meelaha laga fulinayo barnaamijkan waxaa kamid ah gobolka Nugal, halkaas oo dadka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Godob jiiraan ay ka mahad-celiyeen dadaalka loo sameeyay.

Tuuladad Dudumaale intii kooxda wariyaasha ah ay u kuur-galayeen barnaamijyada dadkaas la gaarsiinayo waxay la kulmeen dadka deegaanka oo wada Roob-doon ay ALLE uga baryayaan inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

Dhinaca kale deegaano hoos yimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugal, ayaa kooxahaas waxay adeegyo caafimaad gaarsiiyeen boqolaal kamid ah dadkii xooluhu dhaafiyeen abaarta kajirta dalka, waxayna sheegeen inay u baahnaayeen kaalmo caafimaad oo lasoo gaarsiiyo fariisimadooda.

Dhawaan wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayaa sheegay in wasaaraddu kooxo caafimaad u diri doonto gobollada Puntland, si loola socdo xaaladda caafimaad ee dadka maadama lagu jiro xaalad adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM