Eedaysaneyaal lagu soo qabtey maandooriye oo la xukumey

Image

May 18, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukuntey labo eedaysane oo lagu soo qabtey maandooriyaha xashiishka.

Labada nin midkood waa rayid midka kalena waa askari ka tiran ciidamada asluubta Puntland ee ka hawlgala magaalada Garowe.

Guddoomiyaha maxkamadda Saalax Liif ayaa ku dhawaaqey xukunka isagoo sheegay in nimankaas lagu xukumey midkiiba lix bilood oo xarig ah iyo $500 oo ganaax ah, wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay lacagta iska bixin waayaan loogu beddeli doono xabsi.

Xashiishadda oo dhameyd labo kiilo garaam, islamaanta ayaa lagu gubey goob fagaare ah oo ku taal Garowe.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Axmed Cabdullaahi Layli oo si kooban warbaahinta ugula hadlay goobtii maandooriyahan lagu gubayey ayaa u mahadceliyey ciidamada soo qabtey, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay usoo gudbiyaan booliska xog kasta oo ku saabsan maandooriyaha iyo dadka isticmaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM