​Eng: Cumar Dheere oo Galkacyo lagu aasay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO- Allaha u naxariistee, waxaa maanta magalada Galkacyo lagu aasay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar dheere), oo xalay lagu dilay xarunta gobolka Mudug.

Aaska marxuumka, waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Mudug, ganacsato iyo shicibka magalaadaasi ku dhaqan, waxaana salaaddii Janaasada kadib warbaahinta la hadlay maamulka gobolka iyo culimaa'uddiinka oo sheegay inay tacsi u dirayaan ehelkii uu ka baxay Cumar Dheere.

Sheekh Mursal Shire, oo kamid ah culimaa'uddiinka Galkacyo ayaa bulshada ku booriyay inay EEBBE ku xirnaadaan islamarkaana wuxuu tacsi u diray ehelkii iyo ubadkii uu ka tagay.

Shacabka Galkacyo, ayaa arrintaasi ka hadlay waxayna sheegeen inay ka xunyihiin falalkaasi soo noq noqday ee lagu beegsanayo dadka hal doorka ah, waxayna dowladda ka codsadeen inay wax ka qabato ammaanka islamarkaana sharciga la keeno ruuxii falkaasi fuliyay.

Maamulka gobolka Mudug gaar ahaan gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa ka hadlay dhacdadii xalay, waxayna shacabka ugu baaqeen in arrintii dhacday loo nisbayn qole gooni ah, balse howshaasi faraha looga qaado dowladda.

Sababta loo dilayay ayay ku sheegeen inay tahay ka shaqaynta nabadda iyo xasiloonida, wuxuuna intaasi raaciyay inay diyaar u yihiin qaabkii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Xalay ayay ahayd salaaddii maqrib kadib markii Marxuum Cumar Dheere oo kasoo baxay masaajidka Salaama lagu dilay, waxaana falka toogashada fuliyay nin dhalinyaro ah bastoolad ku hubaysnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM