Ethiopian Airlines oo bilowday duulimaadyada joogtada ee Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda duulimaadka Itoobiya ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah u bilowday duulimaadyadda joogtada ah ee degaanada Puntland.

Munaasabada soo dhaweynta oo ka qabsoontay garoonka diyaaradaha magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin kala gedisan.

Ethiopian Airlines ayaa todobaadkii saddex jeer waxay duulimaadyo ku tegi doontaa Garowe, caasimada Puntland, iyo Boosaso, xarunta gobolka Bari, sida ay ku sheegtay bayaan.

Talaabadaasi ayaa waxay qeyb ka tahay is-afgarad ay isla meel-dhigeen mas'uuliyiinta shirkaddaasi iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, bil kahor.

Shirkado kale oo caalami ah sida Fly Dubai ee wadanka Imaaraadka ayaa kusoo wajahan madaarada Puntand, sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Duulista Hawadda.

Madaarada caalamiga ah ee Garowe iyo Boosaaso ayaa waxay safka hore uga jiraan garoomada Soomaaliya ee ugu wanaagsan dhanka badqabka iyo ammaanka.

Hirgelinta Ethiopian Airlines ee duulimaadyadda joogtada ah ayay xukuumada Puntland ku macneysay mid door ka qaadeyso sare u kaca dhaqaalaha iyo isu socodka dadka.

Si lamid ah waxay fursad muhiim ah u tahay Shirkada Maalgashiga Puntland kaasi oo bisha September ka furmaya Garowe, ayna haatan socoto qabanqaabadiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM