Ethiopian Airlines oo bilowday duulimaadyada joogtada ee Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda duulimaadka Itoobiya ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah u bilowday duulimaadyadda joogtada ah ee degaanada Puntland.

Munaasabada soo dhaweynta oo ka qabsoontay garoonka diyaaradaha magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin kala gedisan.

Ethiopian Airlines ayaa todobaadkii saddex jeer waxay duulimaadyo ku tegi doontaa Garowe, caasimada Puntland, iyo Boosaso, xarunta gobolka Bari, sida ay ku sheegtay bayaan.

Talaabadaasi ayaa waxay qeyb ka tahay is-afgarad ay isla meel-dhigeen mas'uuliyiinta shirkaddaasi iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, bil kahor.

Shirkado kale oo caalami ah sida Fly Dubai ee wadanka Imaaraadka ayaa kusoo wajahan madaarada Puntand, sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Duulista Hawadda.

Madaarada caalamiga ah ee Garowe iyo Boosaaso ayaa waxay safka hore uga jiraan garoomada Soomaaliya ee ugu wanaagsan dhanka badqabka iyo ammaanka.

Hirgelinta Ethiopian Airlines ee duulimaadyadda joogtada ah ayay xukuumada Puntland ku macneysay mid door ka qaadeyso sare u kaca dhaqaalaha iyo isu socodka dadka.

Si lamid ah waxay fursad muhiim ah u tahay Shirkada Maalgashiga Puntland kaasi oo bisha September ka furmaya Garowe, ayna haatan socoto qabanqaabadiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM