Ethiopian Airlines oo duulimaad toos ah ka bilowday Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa Sabtida maanta ah waxay duulimaadyo toos ah ay ka bilowday magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Diyaaradda maanta rakaabka ka dejisay xarunta gobolka Nugaal ayaa nooceedu yahay Boeing 737 oo ay farsameyso shirkadda Boeing ee fadhigeedu yahay magaaladda Washington ee dalka Mareykanka.

Xafiiska Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka dhigay in duulimaadkan maanta bilowday uu yahay mid sii socon doona isla markaana shirkaddu ay todobaadkii shan duulimaad ku imaaneyso Garowe.

"Waxaan ugu bishaareynaynaa macaamiisheena Soomaaliya gaar ahaan bulshadda Puntland in aan duulimaad toos ah daahfurnay kaas oo wax badan ka badali doona baahida gaadiidka cirka ee muwaadiniinta," ayaa lagu yiri qoraal xafiiska uu soo saarey.

Bishii June, 2019, dowlada Puntland iyo Ethiopian Airlines ayaa ku heshiiyey in shirkaddu ay duulimaadyo toos ah ku tagto magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Iyadda oo la fulinayo is-fahamkaas, bishii July 15-keeda, sanadkii 2019-kii, Ethiopian Airlines ayaa si rasmi ah waxay u bilowday duulimaadka, iyadda oo diyaaradii ugu horeysay ay ka degtay Garowe.

Kaliya ma ahan Ethiopian Airlines duulimaadyada caalamiga ah ee garoomada Puntland ay soo jiiteen, waxaa wehlisa Jabuuti Arilines taas oo December 22, 2019 la daahfuray duulimaadkeedii koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM