​Ethopia: Madaxweyne Gaas oo xarumo booqday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS BABA-Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiweli Xirsi Cabdulle "Indha-guran" oo magaalada Addis Ababa u jooga hawlo shaqo ayaa booqasho indha-indhayn ah ku tegey Shirkadaha ku midoobey dhammaan qalabka Birta culus oo lagu magcaabo TEKLEBERHAN AMBAYE CONSTRUCTION PLC (TAF) oo ka hawl-gala  waddamo badan oo Afrika ku yaalla. 

Gaas, ayaa kormeerka kadib lakulmay maamulaha Shirkadahan ku midoobey (TAF)  oo lagu magcaabo Seifu Ambaye, isagoo ka xogwaraystay qaabka ay u shaqeeyaan maadama Puntland kasocdaan qorshayaal lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha. 

Labada mas'uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday qaabka TAF, Puntland uga hawl geli karaan iyagoo maal-gashi samaynaya. 

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa usoo jeediyey maamulaha shirkadaha midoobay inuu booqasho ku tago Puntland isla markaana indhohooda ku soo arkaan fursadaha ka bannaan iyo nabad-gelyada gaamurtey ee ka hana qaaday Puntland. 

Booqashadan, ayaa timi xilli madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo kusuganyihiin magalada Caasumadda u ah Ethopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM