Puntland: EU-da oo ka hadashay markabka la wariyey in la afduubtey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ayaa tafaasiil kasoo saarey Markabkii la wariyey in asbuucii hore lagu afduubtay xeebaha [biyaha] dowlada Puntland.

EU NAVFOR oo daboolka ka qaadey in uu baaritaan ku sameeyay dhacdadaas ayaa xaqiijiyey in aysan waxba ka jirin qafaalashada isla markaana markabka uu xeebaha Bareeda u tegay cilad farsamo.

Warbixinta howlgalka ayaa lagu caddeeyay in markabka uu xeebta degaankaas ka tirsan gobolka Gardafuu uu u tegay si uu uga gaashaanto bad-xiranka; xogtaan waxaa horey u baahiyey warsidaha GO.

"Mar-xaladan la joogo, dhacdadan ma noqon karto fal amni oo ka dhacay badda, balse fahfaahinta baaritaanka waanu baahin doonaa," ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu daabacay baraha Internet-ka ee howlgalka.

Isagoo kaashanaya mas'uuliyiinta Puntland iyo diyaarado ay leedahay Japan, howlgalka EU NAVFOR ayaa qiimeyn u tegay goobta uu ku xirtay markabka, waxaana uu ogaadey in aysan jirin afduubka.

Markabkan oo lagu magacaabo AEGIAN II ku safrayey calanka Panama kana yimid dekadda Shajah ee Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday marsadda Muqdisho wuxuu shidaal u wadday ganacsato Soomaaliyeed.

AEGIAN II oo laga leeyahay Gariiriga ayaa shalay ku xirtay dekada magaalada Boosaaso, halkaasoo uu uga sii gudbi doono Muqdisho, iyaddoo dowladda Puntland saartey ciidamo amnigiisa sugaya.

Sarkaal ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa tibaaxay in warka ah in la afduubtay markabkan ay faafiyeen shaqsiyaad uusan magacaabin kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay doonayaan in qafaalashadda maraakiibta ay sii jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM