Shirka Maalgeshiga Puntland oo "bedelay sawirka Soomaaliya"

Image

GAROWE, Puntland – Midowga Yurub oo si weyn u bogaadiyey Shirka Maalgeshiga Puntland ayaa ku tilmaamay mid bedelaya sawirka Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Inkasta oo haatan si dardar leh looga soo kabanayo, ayna jiraan wax xoogaa caqabado ah, waddanka ayaa tobbankii sano ee u dambeysay wehel u ahaa rabshado argagixiso iyo abaaro.

Tani ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay dhabaha u xaartay in ay ganacsatada ajaaniibta ah kusoo dhiiran waayaan dalka, taasi oo meesha ka saartay horumar dhinac walba ah oo dalku gaaro.

Hase ahaatee, xaaladda waa ay ka duwan tahay haatan, waxaana rajo wanaagsan sii muujiyey Madasha Maalgeshiga Puntland, sidda uu ka dhawaajiyey diblumaasiga Nicolas Berlanga.

"Waxaan doonayaa in aan xaqiijiyo in Midowga Yurub oo idin kula soo biirayo dib u naqshadeynta iyo bedelitaanka sawirka Soomaaliya," ayuu safiirka ka sheegay furitaanka shirka ee Axadii.

Shirkaasi oo soconeysa labadda maalmood ee soo aadan ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay "Balaari ganacsigaaga oo maalgesho Puntland".

"Soomaaliyadda maanta aad ayey uga duwan tahay taariikhyadii dhowaanahan," ayuu hadalkiisa raaciyey mas’uulkan kasoo jeeda qaranka Span.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay hadafka shirkan ku qeexdey maalgeshi, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur.

"Waxaa sharaf inoo ah in Puntland ay diyaar u tahay maalgeshi iyo in ay hogaamineyso koorsasada sawir bedelitaanka [Soomaaliya],” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Nicolas Berlanga.

Deni oo furitaanka shirka hadlay ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu xididaha u siibi doono argagixisada, isla markaana uu damaanad qaadayo amniga iyo badqabka maalgeshatadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM