XOG GAAR AH: Dowlada Somalia oo hub u dirtey Galmudug

Image

26 Nov, 2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in dowlada Federaalka Somalia hub iyo saanad u dirtey maamulka Galmudug kadib markii colaad dhexmartey dowlada Puntland.

Hubkaan iyo saanadaan ayaa warsidaha Garowe online fahansan yahay inuu ka dagey garoon cusub ee maamulka Galmudug ka sameystey dhowaan duleedka magaalada Galkacayo maalmihii taariikhdu aheyd 22- 23 Nov, 2015.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in diyaarada la yiraahdo Star Som Air dowlada Federaalka u adeegsatey qaadista hubkaan la gaarsiiyey maamulka Galmudug.

Hubka la gaarsiiyey maamulka Galmudug ayaa xogtaan sheegeysaa in ka koobnaa 3200 qoryaha loo yaqaan AK47 iyo sanaadooda.

Dhinaca kale diyaarada Star Som Air ayaa qaadey farsamo yaqaano hagaajiya qoryaha lidka diyaardaha ee loo yaqaan ZUU halka wararku intaas ku daryaan in garoonkaas ka dageen qaar ka tirsan dadka ku takhasusey ridista qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.

Star Som Air ayaa dowlada Puntland horey uga mamnuucdey garoomadeeda diyaardaha kadib markii ay kasoo dagtey gagi diyaardeed oo ay maamulka Galmudug ka sameysteen duleedka magaalada Galkacayo

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo saxiib dhow yihiin madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa horey warbixin uga soo baxdey QM lagu eedeyey in hub iyo saanad ku biiriyey colaado ka jirey gobolada dhexe ee Somalia.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa horey xilka wasiirka aminiga dowlada Federaalka u soo qabtey balse iska casiley kadib markii ururka Al-shabaab weeraro la beegsadeen goobo muhiim ah oo ay kamid tahay madaxtooyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM