Faah faahin ku saabsan isku-shaandheynta golaha wasiirrada

Image

June 16, 2015 (GO)- Isku-shaandheynta Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameeyey Golaha Wasiirrada ayaa saameysey 12 wasaaradood, kuwaasoo sagaal kamid ah wasiirro cusub loo soo magacaabay saddex wasaaradoodna laysku beddeley wasiirradii horay u joogey.

Wasiirada xilalkooda waayey ayaa kala ah:

  1. Wasiirkii Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame.
  2. Wasiirkii Waxbarashada, Cali Xaaji Warsame.
  3. Wasiirkii Caafimaadka, Saadiq Eenow.
  4. Wasiirkii Amniga, Xasan Cismaan Alloore.
  5. Wasiirkii Deegaanka, Guuleed Saalax Barre.
  6. Wasiirkii Beeraha, Cabdi Ismaaciil Boos.
  7. Wasiirkii Qorsheynta, Cali Axmed Faatax.
  8. Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Cabdullaahi Ducaale Cali.

Wasiirrada xilalkoodii hore weli haya:

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
  2. Wasiiradda Haweenka, Aniso Xaaji Muumin.
  3. Wasiirka Dekedaha, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
  4. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabiraxmaan Sheekh Axmed.
  5. Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Biindhe.
  6. Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
  7. Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wasiirrada wasaaradaha kale loo beddeley:

  1. Wasiirkii hore ee maaliyadda Shire Xaaji Faarax oo loo wareejiyey Wasaaradda Qorsheynta.
  2. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiweli Indho-guran oo loo wareejiyey Wasaaradda Ganacsiga.
  3. Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamuud Soo-cade oo loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirrada Cusub:

  1. Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
  2. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
  3. Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
  4. Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
  5. Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
  6. Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
  7. Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.
  8. Wasiirka Caafimaadka Naasir Cismaan Cuuke

Maxaa laga ogyahay wasiirrada cusub?

  • Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab waa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Nugaal.
  • Wasiirka Dastuurka Feysal Cabdi Cali Gaas muddo dheer ayuu ku noola qurbaha, waana ku cusub yahay siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Sool.
  • Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib waa ku cusub yahay saaxada siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Bari.
  • Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waa wasiir ku-xigeenkii amniga ee dowladdii Madaxweyne Faroole, wuuna kasoo jeedaa gobolka Haylaan.
  • Wasiirka Maaliyadda, wuxuu kamid ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2014, wuxuuna walaal la yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, deegaan ahaanna wuxuu kasoo jeedaa gobolka Karkaar.
  • Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame, waa wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland xilligii Madaxweyne Farole, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Mudug.
  • Wasiirka Caafimaadka Naasir Cuuke oo horey u ahaa dhakhtar u shaqeeya hay'adaha samafalka ee ka howlgala degaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM