Faah faahin qarax ismiidaamin ah oo Garowe ka dhacay [Dhageyso]

Image

April 20. 2015 (GO)-  Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta hay'adaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyey qof isa soo midaamiyey oo saarnaa gaari bas ah oo sidey qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Khasaaraha mar uu ka hadlayey wuxuu Taliye Layli sheegay in weerarka todoba qof ku dhinteen todoba qof oo kalena ku dhaawacmeen. Dadka dhintey afar kamid ahi waa ajnebi, labana waa Soomaali iyo qofkii weerka fuliyey.

Dadka dhaawacmey oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, waxay isug jiraan shan Soomaali ah iyo labo qof oo ajnebi ah.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in qofka is qarxiyey kamid ahaa shaqaalaha hoose ee xarunta gaar ahaan qaybta cuntada, wararku waxay intaas ku darayaan in ninkaas dhowaan shaqo fariisin lagu sameeyey.

Wasiirka Amniga oo ay weheliyeen qaar kamid ah mas'uuliyiinta ugu sarreysa hay'adaha ammaanka ayaa goobta tegey, waxaana socda baaritaan inkastoo ilaa hadda aanay jirin cid falkaas loo soo qabtey.

Shir-jaraa'id ayaa lagu wadaa in Wasiirka Amnigu goor dhow ku qabto xafiiskiisa Garowe.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM