​Faah faahin laga helayo xaaladda degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland, ayaa lagusoo waramayaa inaysan wali gacanta ku dhigin demgada Taariikhiga ah ee Qandala oo qiyaastii 80KM u jirta xarunta gobolka Bari ee Bosaso, halkaas oo ay ku suganyihiin  Mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin Daacish.

Wararka ayaa sheegay in xalay shaq dhexe nawaaxiga degmadaas gaar ahaan fariisin ay ku sugnaayeen Daacish duqaysay diyaarad ajnabi ah. Lama oga khasaaraha ka dhashay iyo duqayntaas cidda fulisay.

Dhinaca kale waxaa faahfaahin laga helayaa dagaallo culus oo shalay ka dhacay dooxada lagu magacaabo Cobollehe oo ay saldhig ku lahaayeen maleeshiyada taabacsan Daacish.

Xogo aan ka helnay saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dagaalkii shalay ku dileen tiro ka mid ah maleeshiyada Daacish, islamarkaana qabsadeen baabuur ay saaran tahay daawo.

Saddex ka tirsan ciidamada Puntland ayaa lagu waramay inay ku dhaawacmeen weerarkan.

Dagaalka shalay ka dhacay Cobollehe ayaa ahaa iska horimaadkii labaaad ee dhexmara labada dhinac. Dagaalka hore ayaa Sabtidii ka dhacay degaanka Af-Bashaashin waxaana ciidamada Puntland ay ku dileen dagaalkaasi 7 ka tirsan maleeshiyada Daacish, dhinacoodana waxay sheegeen inay uga dhaawacmeen saddex askari.

Majirto faah faahin intaas dheer oo laga helay howlgalka degmada Qandala, waxaana wali hawada ka maqan Is-gaarsiinta oo la sheegay inay cilad farsamo jirto.

Degmada Qandala ayaa noqotay goobtii ugu horaysay ee kooxdan oo Puntland kasoo ifbaxday Octobar 2015 gacanta ku dhigaan, waxaana socda dadaalo ciidamada difaacu kusoo afjarayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM