Faah faahin Qaraxa lagu qabtay Bosaso [Sawirro+Dhageyso}

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Bari, ayaa maanta soo bandhigay rag la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab oo xalay lagu qabtay gudaha magaalada Bosaso iyagoo siday qarax lasoo diyaariyay oo la damacsanaa in ilaa saddex goobood lagu weeraro.

Qaraxa ayaa la qabtay abaare 10 habeenimo 25/04/2017, kaasoo ay wadeen ilaa shan nin.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari, Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay in qabashada qaraxa iyo raggan timid kadib markii laamaha ammaanka Puntland heleen xogo sheegaya in magaalada lasoo galin rabo qaraxyo.

Cabdixakiim ayaa ragga la qabtay xusay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab, isagoo intaas ku daray in afar kamid ah isku deegaanyihiin.

Xubnaha la qabtay ayaa kasoo jeeda Koonfurta Somalia, waxaana badankooda ka yimaadeen gobolka Baay, sida uu waraysiga ku sheegay taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari.

Isagoo sii hadlayay, wuxuu intaas ku daray in qorshahoodu markii hore ahaa in lagu qabto bannaanka magaalada, balse qadartu noqotay inay soo galaan Bosaso, isagoo tilmaamay in la marsiin doono sharciga.

Mar wax laga weydiiyay halka bartilmaameedku ahaa, wuxuu sheegay inaysan xog rasmi ah ka hayn balse dareensanyihiin inay doonayeen sidii weeraro looga gaysan lahaa meelaha bulshadu isugu timaado iyo xarumaha dowladda.

Taliye Cabdixakiim ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland had iyo goor diyaar u yihiin sidii ay u difaaci lahaayeen shacabkooda.

Waa qaraxii ugu weynaa ee laamaha amniga Bosaso qabteen sida uu cadeeyay taliye Cabdixakiim, wuxuuna kusoo aadayaa xilli kooxaha Argagixisada kusii xoogaysanaysay muddooyinkii dambe gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM