Faah faahin shirka golaha wasiirrada Puntland oo hishiis lagu ansixiyay iyo digniin lasoo jeediyay

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; La dagaallanka Bur-cad badeeda, Amniga, Abaaraha, Ilaalinta hantida dowladda, ansixinta Hishiis ay wada galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda Puntland.

Kulanka oo shir-guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu horay looga warbixiyay xaaladda amni ee Puntland, waxaana goluhu ka digay in xarakada Al Shabaab weeraro ka qorshaynayso gobollada Galgaduud iyo qaar kamid ah deegaanada Galmudug iyagoo doonaya inay falal amni darro ka gaystaan Puntland.

Hishiis ay wada-galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda ayaa shirkaas lagu ansixiyay, waxaana hishiisku dhigayaan in shirkaddaas oo laga leeyahay China ay dhisi doonto wadada isku xirta Garowe, Eyl iyo sidoo kale garoonka diyaaraha Galkacyo.

Waxaa sidoo kale shirkas lagu sheegay in dowladdu ciidamo gaysay xeebaha Puntland kuwaasoo lagula dagaallamayo kooxaha Bur-cadda ah iyadoo sidoo kale la xusay in gacanta lagu dhigay kooxo falkaas ku jiray waloow aan tiradooda, goorta la qabtay iyo halka lagu qabtay aan faah faahin laga bixin.

Ilaalinta hantida dowladda ayaa shirka golaha wasiirrada Puntland, lagusoo hadal qaaday waxaana lagu baaqay in la ilaaliyo gaar ahaan gawaarida.

Lama oga sababta keentay in qodobkan lagusoo daro shirka, balse waxaa xusid mudan in dhibaato xooggan la kulmaan baabuurta oo aan inta badan la ilaalin.

Abaaraha ayaa lagusoo hadal qaaday, waxaana Madaxweyne Gaas ku baaqay in gurmadka la xoojiyo oo shacabku ka qayb qaataan.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale wasiirrada amray in si buuxda loogu howl galo gobolka Gardafuu oo ah gobolka ugu da’da yar gobollada Puntland.

Ugu dambayn, waxaa shirka wasiirrada Puntland warbixino looga dhagaystay guddiga xaq-siinta Askarta ku waxyeellowday howlgalka qaran iyo wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM