Faah faahin: weerarradii Al-shabaab ee hoteellada Siyad iyo Weheliye

Image

July 10, 2015 (GO)- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintey  ku dhowaad 20 kalena way ku dhaawacmeen labo weerar oo caawa Al-shabaab kuusoo qaaddey hoteellada Siyaad iyo Weheliye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Weerarrada ayaa ku bilowdey qaraxyo is-miidaamin ah oo loo adeegsadey labo gaari, waxaana intaas kadib dhismeyaasha hoteellada gudaha u galay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysnaa bumbooyin iyo qoryaha daran-doorriga u dhaca.

Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa AMISOM ayaa durbadiiba goobta soo gaarey. Is-rasaaseyn muddo labo saac ku dhow socotey ayaana dhex martay ciidamada iyo kooxihii weerarka fuliyey.

War-baahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisey in ciidamada ammaanku ku guuleysteen in ay xaaladda gacanta ku dhigaan, islamarkaana toogasho ku dileen afar kamid ah dableyda.

Mas'uuliyadda weerarradan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, waxayna noqonaysaa markii labaad ee weeraro caynkan oo kale ahi intii lagu guda jirey  bishan Ramadaan  ka dhacaan magaalada Muqidisho.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa isla caawa hoobiyeyaal ku duqeysey agagaarka Garoonka Kubadda Cagta, halkaasoo fariisin u ah ciidamo ka tirsan AMISOM.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisey in weerrada lagu qaadey labada hoteel ay ku dhinteen ku dhowaad labaatan qof, halka duqeyntana lagu diley shan askari oo ka tirsan AMISOM.

Marka laga tago sheegashada Al-shabaab, Dowladdu weli wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin qaabka wax u dheceen iyo weliba khasaaraha dhabka ah ee ka dhashay weerarrada.

Saraakiil Puntland ah oo ku sugnaa hoteelka Siyaad

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in hoteelka Siyaad ay maanta ku degeen wafdi saraakiil ciidan ah oo ka socda Puntland, kuwaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Muqdisho.

Saraakiishkaas ayaa kala ah Taliyihii Ciidanka Dembi-baarista Puntland Ibraahim, Taliyihii Kuliyadda Carmo, Cali Ceydiid iyo Taliyihii hore ee qaybta gobolka Nugaal Faarax Galan-goolli.

Taliyaha Denbi-baarista Puntland iyo Taliyaha Kulliyada Carmo waxaa Garowe Online loo xaqiijiyey inay derbiga ka boodeen, xilliganna ku sugan yahiin xarunta madaxtooyada oo aan wax badan ka durugsaneyn hoteelka Siyaad, balse sarkaalka saddexaad ilaa iyo hadda war lagama hayo meel uu jaan iyo cirib dhigey.

Al-shabaab ayaa dhowr mar oo hore weerartay hoteello magaalada Muqdisho ku yaal, kuwaasoo inta badan ay degaan mas'uuliyiinta dowladda iyo qurbe-joogtu.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM