Faarax Cali Shire oo shaaciyay Murashaxnimadiisa [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Murashaxa Madaxweynaha Puntland ee 2019 Faarax Cali Shire ayaa maanta Daahfuray Ololihiisa Doorashada, wuxuuna si rasmi ah u iclaamiyay inuu u taaganyahay qabashada xilkaas

Munaasabad ka dhacday xarunta Nasashada ee Rays oo ay kasoo qaybgaleen, Siyaasiyiin, Isimo, Culimaa’udiin, waxgarad, haween iyo Dhalinyaro ayaa murashaxu kaga hadlay waxqabadkiisa iyo Barnaamijkiisa siyaasadeed.

Faarax Cali Shire ayaa shaaciyay inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, Garsoorka, Dhismaha ciidanka, hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda, la dagaallanka Musuqa iyo hormarinta adeegyada asaasiga ah gaar ahaan; Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Safaradda aan dalka dibadiisa ku tegey, xog-ogaalnimada iyo aqoonta aan u leeyahay Puntland dal iyo dibadba waxay i siinayaan awood iyo kalsooni aan Puntland wax kaga qaban karo, oo dib-u-dhis iyo dib-u-habayn ugu samayn karo,” ayuu yiri Faarax Cali Shire.

Faarax Cali Shire wuxuu sheegay in hadii uu xilkan ku guulaysto inuu Puntland wax badan ka qaban doono islamarkaana uu dib u habayn ku samayn doono nidaamka hadda oo uu ku sifeeyay Madax ka nool, wuxuuna xusay inuu shaqo abuur u samayn doono dhalinyarada, sidoo kale mushaharka u kordhin doono ciidamada iyadoo laga dhaafayo canshuuraha laga qaado.

Murashaxa ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu dhammaystiri doono mashaariicda muhiimka ah ee hadda qabyada ah gaar ahaan; Wadada Ceel-daahir, Eyl iyo Dangoroyo, Garoonka Galkacyo, Wadada Kalabayr – Qandala – Caluula iyo ballaarinta Dekedda Bosaaso.

Khudbadda Murashaxa oo aad u dheerayd wuxuu kaloo kusoo hadal qaaday dowladda iminka talada haysa gaar ahaan Madaxweyne Gaas oo uu sheegay in xukuumaddiisu ahayd fadhiid aan waxba qaban, wuxuuna ugu baaqay in mudada u harsan uu ku diyaariyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho.

Dhinaca kale qaar kamid ah Siyaasiyiintii kasoo qaybgalay kulanka oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa bogaadiyay murashaxnimada Faarax Cali Shire.

Waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo Isimadda soo xulaya Xildhibaanada inay soo saaraan dad aqoon leh oo waddanka u horseedi kara hogaamiye waxqabad leh.

Faarax Cali Shire oo horay usoo noqday wasiirkii Maaliyadda xukuumaddii hore ayaa muddo ku sugnaa magaalada Bosaso halkaas oo ay soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyeen shacabka degmada iyo guud ahaan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM