Fahfaahin: Dagaal ka socda duleedka Caasimada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya labo Malleeshiya beeleed, ayaa ka billowday Maanta duleedka Caasimadda Puntland, ee Garowe.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalka uu xoogiisa ka dhacayo tuulada Saax-maygaag, waxaana inta la xaqiijiyay illaa hadda ku dhimatay lix qof, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa qarxay markii xal laga gaari waayay muran ka taagnaa nidaamka degaamaynta Tuulooyinka Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo dhaca xadka goboladda Sool iyo Nugaal.

Colaadda waxaa laga dareemay degmada Boocame, oo katirsan G/Sool iyo degaanka Birta dheer oo Gobolka Nugaal katirsan, waxaana ku barakacay colaadda qoysas badan xili gobolka abaar iyo xaalad bini'aadanimo ka jirto.

Ma jirto dhex-dhexaadin laga dhex waddo labada Beelood oo mudo sanado ah ku dagaallamayay degaankaas Saax-maygaag. Sidoo kale, mas'uuliyiinta dowladda Puntland kama aysan hadlin colaadda soo cusboonaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM