Falcelinta laga bixiyey furida la isku haysto ee dastuurka Puntland

Image
Wax ka badalkan ayaa yimid xilli doorasho hal dhinac ah loo madal-san yahay 25-ka bishan May, 2023.

GAROWE, Puntland - Falcelin kala duwan ayaa waxaa laga bixiyey talaabada uu madaxwaynaha muddo xileedkiisa 8-da bilood uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni uu xalay ku mariyey golahiisa wasiirada damaciisa furida dastuurka dowladda Puntland.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii wax ka badal lagu sameyn lahaa dastuurka Puntland, isaga oo ka digay "khatar siyaasadeed oo ka dhalan karta".

"Waxaa jira waqtiyo wax ka beddelka dastuurku uu yahay mid sharci ahaan & farsamo ahaan suurtagal ah laakiin siyaasad ahaan khatar ah, gaar ahaan marka uu u adeegayo danta qofka," ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Wuxuu raaciyey: "Marka la eego doorashooyinkii 2-dii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Puntland, waxaad mooddaa in waajibkii xumaa ee lagu caddeeyey in doorasho been abuur ah ay mar kale dhici karto".

Cabdiqafaar Xaange, wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa ugu baaqay baarlamaanka Puntland in ay is-hortagaaan hindise-haan gurracan.

"Doorashadii mugdiga iyo muranku ku gadaanaa ee Puntland caawa ayay god madow madaxa la gashay," ayuu mudanaha ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Tallaabada Dastuur-jabinta ah ee Madaxweyne Said Deni qaaday waa bilowga qalalaase siyaasadeed, hubanti la'aan sharci waxayna horseedaysaa xasilloni-darro amni.

Xaange oo horey uga mid ahaa Golaha Wasiiradda madaxwayne ayaa kusoo xiray: "Baarlamaanka Puntland waxaa la gudboon inay joojiyaan hindise-haan gurracan maadaama ay yihiin ilaaliyayaasha Dastuurka".

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, oo kamid ah siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Siyaasadda Puntland, ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay u istaagaan sidii ay u diidi lahaayeen damaca Deni.

"Dowladnimo waxaa aas-aas u ah dhowrista sharciga ay ku dhisan tahay. Hogaanka damaca xumi waxa uu soo dedejiyaa duminta dowladnimadii shalay loogu dabaal-degay. Reer Puntlandlaawno damaca Saciid Deni aan wadajir ku diidno," ayuu tibaaxay.

Wax ka badalka uu Saciid Deni go'aan-sadey in uu ku sameeyo qodobka 46aad ee dastuurka Puntland ayaa salka ku haysa walaac uu ka qabo in doorashadda soo aadan ay kusoo baxaan ururo aan isaga cajabin taasoo baalmarsan dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM