FAO oo laba jibaareysa mashaariicda ay ka fuliso Puntland

Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa maanta wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Madaxtooyada Puntland ayaa tiri: "Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland".

Dhanka kale, madaxwayne Deni ayaa yiri "Waxaan qaabilnay oo maanta booqasho noogu yimi Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo".

"Waxaan ka wada hadalnay sidii loo sii laba jibaari lahaa Mashaariicda ay ka wadaan Puntland gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha oo muhim u ah nolosha asaasiga ah ee dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya," ayuu raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM