FAO oo laba jibaareysa mashaariicda ay ka fuliso Puntland

Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa maanta wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Madaxtooyada Puntland ayaa tiri: "Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland".

Dhanka kale, madaxwayne Deni ayaa yiri "Waxaan qaabilnay oo maanta booqasho noogu yimi Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo".

"Waxaan ka wada hadalnay sidii loo sii laba jibaari lahaa Mashaariicda ay ka wadaan Puntland gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha oo muhim u ah nolosha asaasiga ah ee dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya," ayuu raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM