​Farjanno oo lacag ugu deeqday Garoonka Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Shirkadda Biyaha ee Farjanno oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe ayaa lacag gaaraysa, $2.500 ugu deeqday dib u casriyaynta garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland, kadib xaflad maanta ka dhacday Jaamacadda Bariga Africa.

Maamulaha Shirkadaas Cabdikaafi Xasan Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay wareejinta lacagta ayaa sheegay inay ugu talo galeen qadarkaas lacageed sidii garoonka Garowe u noqon lahaa mid casri ah isagoo intaas ku daray inaysan intaas ku ekaan doonin deeqaha ay bixinayso shirkadda Farjanno.

Guddoomiyaha dallada PUNSAA oo sidoo kale ah xubin kamid ah guddiga ayaa soo dhaweyay taakulada ay shirkadas ku darsatay garoonka isagoo ugu baaqay shirakaadka kale inay bixiyaan wixii awood ah oo ay heli karaan.

Cabdifataax Kismaayo oo sidoo kale Guddoomiye u ah Guddiga loo xilsaaray Layr galinta garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa soo dhaweeyay dadaaladda shirkaduhu wadaan isagoo xusay inay jiraan Kambaniyo kale oo wax la baxay.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Garowe looga dhawaaqay guddi u xilsaaran inay casriyeeyaan garoonka diyaaradaha caasumadda si uu u noqdo mid habeen iyo maalin la isticmaalo, waxayna tan iyo markii lagu dhawaaqay wadeen howlo ku aadan inay lacago ku qoraan shirkadaha kala duwan ee magaalada si loo helo dakhliga shaqadaas lagu qabanayo oo ka baxsan deeqda lagu dhisayo madaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM