​Farjanno oo lacag ugu deeqday Garoonka Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Shirkadda Biyaha ee Farjanno oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe ayaa lacag gaaraysa, $2.500 ugu deeqday dib u casriyaynta garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland, kadib xaflad maanta ka dhacday Jaamacadda Bariga Africa.

Maamulaha Shirkadaas Cabdikaafi Xasan Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay wareejinta lacagta ayaa sheegay inay ugu talo galeen qadarkaas lacageed sidii garoonka Garowe u noqon lahaa mid casri ah isagoo intaas ku daray inaysan intaas ku ekaan doonin deeqaha ay bixinayso shirkadda Farjanno.

Guddoomiyaha dallada PUNSAA oo sidoo kale ah xubin kamid ah guddiga ayaa soo dhaweyay taakulada ay shirkadas ku darsatay garoonka isagoo ugu baaqay shirakaadka kale inay bixiyaan wixii awood ah oo ay heli karaan.

Cabdifataax Kismaayo oo sidoo kale Guddoomiye u ah Guddiga loo xilsaaray Layr galinta garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa soo dhaweeyay dadaaladda shirkaduhu wadaan isagoo xusay inay jiraan Kambaniyo kale oo wax la baxay.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Garowe looga dhawaaqay guddi u xilsaaran inay casriyeeyaan garoonka diyaaradaha caasumadda si uu u noqdo mid habeen iyo maalin la isticmaalo, waxayna tan iyo markii lagu dhawaaqay wadeen howlo ku aadan inay lacago ku qoraan shirkadaha kala duwan ee magaalada si loo helo dakhliga shaqadaas lagu qabanayo oo ka baxsan deeqda lagu dhisayo madaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM