Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shir culus uga socda Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Kulan albaabada u xiran oo xasaasi ay ayaa ka socdaa xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, kaasoo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Shirkan ayaa isagu yeeray Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu shirka ka helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in wadahadalka uu qaatay saacado ka badan intii loogu talo-galay, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Farmaajo isku mari la'yihiin kulanka.

Axmed Madoobe ayaa wax badan ka tabanaya dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, isagoo ku doodaya in faragelin xoog leh ku hayso maamulkiisa Jubbaland, oo khilaaf adag kala dhaxeeya.

Waxaa madasha ku sugan Madaxweyniyeyaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Senator Cabdiraxmaan Farole, Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Madxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa qaatey go'aan ah in lala xisaabtamo dowladda Dhexe, kaasi oo ka duwan midkii Cabdiweli Gaas ee ahaa xiriirka in loo jaro Villa Somalia markii uu khilaaf yimaado.

Farmaajo ayaa khudbadii uu xalay ka jeediyay Caleema-saarka Deni ka sheegay inuu si buuxda ula shaqeyn doono dowlad goboleedyada, islamarkaana noqon doono oday Soomaaliyeed oo kala dhex-gala khilaafka labada Golle ee Baarlamaanka.

Wixii kusoo kordha kulanka ka socda Garowe, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM