Farmaajo oo gaarey Garowe [Daawo sida loo soo dhaweeyay]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galab-dhicii Axadda lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Ra’iisul wasaare Khayre, hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Axmed Cismaan Karaash iyo mas'uuliyiin kale ayaa qaabilaada Farmaajo ka qayb qaatay.

Sidda uu horey u baahiyey warsidaha Garowe Online, ma jirin shacab ka qaybgalay soo dhaweynta Farmaajo, taasi oo qayb ka ah isbedelka iyo siyaasada cusub ee Deni.

Waa markii labaad oo uu Farmaajo yimaado caasimada Puntland tan iyo markii uu xafiiska yimid Deni. Markii koowaad waxa uu ka qaybgalay caleemka saarka madaxda cusub.

Kolkaan, waxa uu ka qaybgalayaa Shirka Wadatashiga ee dowlada federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah, kaasi oo qorshuhu yahay in uu Isniinta si rasmi ah u furmo.

Kulankaasi ayaa lagu jeex-jeexi doonaa xaalada guud ee wadanka si gaar ah dhinacyadda amniga, siyaasada, doorashooyinka iyo dib u eegista Axadiga qabyada ah ee dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay isku kaliyeeshay dhamaan kawada shaqeynta arrimahaasi, taasi oo dhalisay is-marin-waa taagan tan iyo bishii sanadkii hore.

Intaasi waxaa wehlisa khilaaf cusub oo soo kordhay oo ku aadan Sharciga Doorashooyinka oo xukuumada ansixiysay balse "sharci daro iyo mid dastuur baalarsan" ay ku tilmaameen Puntland, Galmudug iyo Jubaland.

Maamulada qaarkood ee dhaliilsan xukuumada haatan jirta ayaa ku doodaya in maadaama dalku qaatay nidaamka federaalka ay muhiim tahay in laga wadatashado go'aanada masiirigi ah, sida amniga iyo xiriirka dibada.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in kulankaan uu isku soo dhaweeyo labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM