​Farole: Cadde Muuse ha loo bixiyo Garoonka Bosaso

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdiraxmaan Farole oo kasoo laabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa ka cudur-daartay inuusan ka qayb galin aaska Marxuum Generaal Cadde Muuse loogu sameeyay magaalada Bosaso.

Farole ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkiisa iyo umadda reer Puntland ee uu ka baxay Maxamud Muuse Xirsi.

"Anigu waan kasoo gaari waayay inaan tago Janaasada AUN Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii aniga iga horeeyay oo lagu aasay meeshii uu alle u qadaray, Xaaskiisii iyo Wiilkiisii Curad waxaan u tacsiyeeyay bisha 08 markii uu dhintay, hadana mar labadaad ayaan uga tacsiyaynayaa warbaahinta ILAAHAY ha u naxariisto qoyskiisiina EEBBE haka samirsiiyo, eheladiisii iyo reer Puntland oo dhan,"Ayuu yiri Mudane Farole.

Wuxuu baaq u diray dowladda iyo Shacabka Puntland isagoo dalbaday in garoonka diyaaradaha Bosaso loogu magac daro General Cadde Muuse, maadamo uu ahaa shakhsi shaqo weyn kasoo qabtay madaarka.

"Waxaan soo jeedinayaa oo aan usoo jeedinayaa xukuumadda hadda joogta, shacabka reer Puntland raali ka noqdaan, Airport Bosaso isaga ayaa bilaabay howshiisa anigu isagaan kasoo gaaray, terminalka isaga ayaa taagay anigu dhammaystirkii ayaan lahaa, run-way gana isaga ayaa ciidda dhigay anigu baaristiisa iyo maalgalin u raadistiisa, dhammaystirkiisan xukuumaddan ayaa soo gaartay, hadii cid lagu maamuusayo isaga ayaa leh in lagu maamuuso oo loo bixiyo Maxamud Muuse Xirsi Airport ayaan soo jeedinayaa xukuumadda iyo shacabkuna ila qaataan,"Ayuu hadalkiisa ku daray mudane Farole.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli wali aan magac rasmi ah wali loo doorin Garoonka diyaaradaha Bosaso oo xariga laga jaray sannadkii hore.

Lama oga in tallaabadan ku raaci doonto Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM