Farole " D. Federaalku xil iskama saarto ammaanka mas'uuliyiinta"

Image

March 29, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan xil iska saarin sugidda ammaanka mas'uuliyiinta dowladda.

Farole oo isagoo dalka Australia ku sugan waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe, wuxuu sheegay in dowladda ay waajib ku tahay ilaalinta nabadgelyada mas'uul kasta oo xil haya iyo weliba dadka kasoo jeeda gobollada kale ee Muqdisho ka shaqeeya.

"mas'uuliyadda waxaa iska leh Dowladda Federaalka...ninkaas safiirka ah ammaankiisa in si gaar ah loo ilaaliyo ayey ahayd ma ahan inuu dadka caadiga ah iska dhex dego...waan ku dhaliilayaa dowladda taas" ayuu yiri.

Dhan kale, Dr. Farole wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan baaritaan iyo daba gal ku sameyn weerarrada caynkan oo kale ah marka laga tago inay cambaareyso tacsina u dirto ehelada dadka geeriyoodey.

"tacsi wax dhaafsiisan oo ay soo sheegaan maleh, lama baaro waxba lama soo sheego dambe, taxadar dambe lama sameeyo...aad baan uga xunnahay"

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in madaxda sare ee Dowladda Federaalku u yeereen Danjire Bari-Bari si xilka looga qaado, wararku waxay sidoo kale sheegayaan in kooxdii Al-shabaab ee hoteelka weerartey ay toogteen Danjire Bari-Bari laakiin aanay waxba gaarsiin labo mas'uul oo kale oo markii weerarku dhacayey la fadhiyey.

Meydka Yuusuf Bari-Bari waxaa saacadaha soo socda la keeni doonaa magaalada Garowe, halkaasoo aas qaran loogu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM