Farole iyo safiirka Talyaaniga oo Bosaso ku kulmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Madaxwayneynihii hore Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa magalada Bosaso kula kulmay galabta Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Michele Fabrezio iyo sarakiil ka socotay hay'adda UNOPS.

Wafdigan ayaa madaxweynihii hore booqasho ugu tagay waxayna ka wada hadleen xaaladda Somalia iyo mashaariicda ugu deeqaan Somalia gaar ahaan Puntland.

Madaxweynihii hore Puntland Dr. Farole oo shirka kadib kawarbixiyay waxyaabaha kawada hadleen ayaa sheegay inay ugu yimaadeen booqasho iyo kala warqaadasho, wuxuuna tilmaamay in Talyaanigu taageero weyn siiyo Somalia khaas ahaan Puntland.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha dhismaha Garoonka Bossaso, waxana ay soo marsiisey xafiiska Qaramada Midoobay u qaanilsan Fulinta mashaariicda.

Mas'uuliyiintan ayaa Bosaso u tagay kaqayb galka daahfurka garoonka diyaarahada Bosaso kaaso loo madlanyahay barri 08 January.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM