​Farole iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo kulmay

Image
Image

GAROWE- Kulan ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Safaaradda Ethopia ee Garowe ayaa looga hadlay xaaladda Somalia iyo hishiiskii dhexmaray Puntland iyo dowladda Federalka Somalia, waxaana kulankaasi u dhaxeeyay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom.

Shirkan ayaa intii u socday, waxaa labada mas'uul gorfeeyeen xaaladda kala guurka ah ee Somalia iyo qaabka looga gudbi karo, waxayna is-weydaarsadeen aragtiyadooda khuseeysa hishiiskaasi iyo qaabka doorashadu u dhici karto.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa wasiirka u muujiyay inusan taageersanayn go'aankii xalay soo baxay, wuxuuna tilmaamay inuu muddo dheer dadaal ku bixiyay qaabkii looga gudbi lahaa nidaamkan qabaliga ah.

Farole, ayaa si cad ugu sheegay Tedros in habkaasi baalmarsanyahay nidaamka waddanka u yaalla, isagoo shaaciyay inuu dadaalkiisa diidmada 4.5 sii wadayo inta naftu ku jirto.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom, ayaa soo dhaweeyay aragtida madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, wuxuuna sheegay inuu yahay shakhsi muhiim u ah siyaasadda Somalia islamarkaana dadaal iyo waqti kusoo lumiyay sidii loo saxi lahaa waxyaabo badan oo khaldanaa.

Wuxuu ku ammaanay kaalinta wanaagsan iyo sumcadda uu ku dhex leeyahay shacabka Puntland isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Kulankan labada mas'uul ayaa kusoo aadaya xilli xalay hishiis ogolaanaya 4.5 lagu kala saxiixday magalada Garowe kaasi oo horay u diideen dowladda Puntland iyo shacabkeeda oo midaysan, waxaana weli taagan aragtidii shacabka oo ilaa hadda aqbalin waxyaabaha lagu hishiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM